Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is xog wareysi xaaladda dalka iyo doorashooyinka waxa uu galabta hoygiisa kula yeeshay Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Shariif Sh. Ahmed iyo Xasan Sh. Maxamuud.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sii wada kulamada gaar gaarka ah ee uu la yeelanayo Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed si ay doorashooyinka ugu qabsoomaan jawi xasiloon.
Ilo ku dhaw dhaw xafiiska Raisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa laga soo xogtay in kulanka sidoo kale looga hadlay xaalada siyaasadeed ee soo korortay gaar ahaan Khilaafka soo kala dhax galay Farmaajo iyo Rooble.
Madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa garab istaag iyo taageero u muujiyay Raisul Wasaare Rooble waxa ayna ku booriyeen in halkiisa kasii wado shaqada Qaranka u hayo.