Allbanaadir.com
NEWS

Shimbirka Gorgorka oo lagu iibsaday lacag waali ah oo dad badan layaab ku riday. !!!

Gorgor noociisa naadir ku ah Caalamka ayaa la iibsaday Habeenkii Labaad ee Bandhig Xaraash Gorgorka oo lagu qabtay Xarunta Naadiga Gorgorka Sacuudiga oo ku taalla caasimadda dalkaasi ee Riyadh.

Hadal-qoraal oo ay Naadiga Gorgorka Sacuudiga (The Saudi Falcon Club) soo saareen, kadib, markii Gorgorkaasi la iibsaday waxay sheegeen in Gorgorkaasi laga keenay Beerta Sacuudiga ee Al-caraadi, iyadoo Tartan adag loo galay Xaraashka Gorgorkaasi oo dhererkiisu dhan yahay 17.5 sentimitir, culayskiisu dhan yahay 1,105 Garaam.

Gorgorka la iibsaday ayaa noqonaya kii ugu qaalisanaa ee abid la kala siisto Gorgorka ku nool Mandiqadda Bariga Dhexe.

Muwaadin Sacuudiyaan oo lagu magacaabo Mutcab Muniir Al-cayaafi ayaa ku iibsaday lacag dhan 270,000 oo Riyaalka Sacuudiga, una dhiganta 72,000 oo Dollar.

Waxa uu Gorgorka uu iibsaday ugu magc daray Ragwaan, isagoo kaga qeyb geli doona Tartanka Gorgorka ee Al-Masaayiin, kaasi oo Milkiilihii haysta Gorgorka ugu quruxda badan lagu abaalmarinayo lacag dhan 300,000 oo Riyaal.

Shimbirka Gorgorka waxa uu duuli karaa masaafo dhan 300 oo KM oo u dhiganta 186 mayl saacadiiba.

Naadiga Gorgorka ee Sacuudiga (The Saudi Falcon Club) waxaa la asaasay sanadkii 2017-kii, iyagoo taageero ka hela Dowladda Sacuudiga, si loo kobciyo, loona kaydiyo Dhaxal-dhaqameedka dhaqashada Gorgorka ee dhulka Lama-degaanka Carbeed.

Dhinaca kale, Ma aha markii ugu horeysay oo Xaraash lagu iibiyo Gorgorka ku nool dalalka Khaliijka.

Bishii October ee sanadkii hore, Tartan Xaraashka Gorgorka ayaa waxaa Gorgor yar lagu iibsaday lacag dhan 650,000 oo Dollar oo u dhiganta 173,000 oo Dollar.

Inta badan Milkiilayaasha Gorgorka ee ku nool dalalka Khaliijka waxay muhiimad siiyaan Ugaarsiga Gorgorka iyo inay caadiyan Diyaaradaha kula safraan Gorgorka, marka ay u dhoofayaan dalalka dibedda, gaar ahaan Pakistan, Morocco iyo dalalka ku yaalla Bartamaha Qaaradda Asia.

WQ/ Ustaad Nuradin Page

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu dambeeyay Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Ankara

Cabdi Cade

Mareykanka oo caqabad ku noqday Xabbad joojin ka hirgasha magaalada Gaza

Cabdi Cade

Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali