Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kulan xasaasi ah oo Villa Somalia uga socda Rooble iyo C/raxmaan C/shakuur

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan xasaasi ah ku leh xafiiskiisa Villa Somalia hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu yahay mid ay aLbaabadu u xiran yihiin oo aan la ogeyn waxyaabaha looa hadlayo.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xili xiisad iyo khilaaf xoogan uu ka dhex qarxay Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble kaasoo salka ku hayo wareegto xalay ka soo baxday xafiiska Farmaajo oo Rooble uu ku gacan seyray.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa lagu xadiday awoodaha heyadaha dowlada ay ku geli karaan heshiisyo masiiri ah xiliga doorashada.

Xubno ka tirsan xafiiska Rooble ayaa Allbanaadir Online u sheegay in kulanka labada masuul uu horey u qorsheysnaa, uusana la xiriirin khilaafka Madaxweynaha iyo raisul Wasaaraha, hase ahaatee kulankan ayaa shaki ku abuuray dad badan.

LA SOCO WIXIISO KORDHA..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ku-simaha Madaxweynaha oo Arrimo muhiim ah kala hadlay James Swan (Sawirro)

Cabdi Cade

Agaasime Mahad Salaad oo kormeeray qeybo ka mid ah Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Xog;-Heshiiskii dhax maray Xukuumada Rooble iyo Midowga Musharaxiinta Mucaaradka Xaguu ku Dambeeyay ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---