Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo arimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaartay wasiirka arimaha dibadda Dowlada Kenya iyo wefdi balaaran ay hogaamineysay, waxa ayna wasiirka u timid Muqdisho sidii ay wada hadalo ula yeelan laheyn madax katirsan dowlada Soomaaliya.

Kulan ay yeesheen Wasiirka arimaha Dibadad Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq iyo dhigiisa dalka Kenya Raychelle Omamo ayey uga wada hadleen xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada arimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka dhax maray labada wasiir uga wada hadleen arimo ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii iskaashi u yeelan lahaayeen.

”Labada wasiir waxay yeesheen wada -hadallo laba geesood ah oo ku saabsan xiriirka, waxayna ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay qaadista tallaabooyin la taaban karo si loo muujiyo ixtiraamka madax -bannaanida, midnimada dhuleed iyo madax -bannaanida siyaasadeed, kuwaas oo ah gundhigga xiriirka labada dal” aya alagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaarada arimaha Dibadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaankii Labaad ee kamid Noqonaya Golaha Shacabka oo goordhaw la doortay

Cabdi Cade

Goodax Barre miyaa ceeb loo raadinayaa maadaama Imtixaankii Shahaadiga dib-u-eegis lagu sameynayo !!

admin

Shiinaha oo qaaday Talaabo Jawaab u ah Go’aan dhawaan kasoo baxay Mareykanka

Cabdi Cade