Allbanaadir.com
NEWS

Ujeedka socdaalka ay maanta Muqdisho ku imaaneyso Raychelle Omamo oo la ogaaday

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho booqasho ku timaado Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo, iyo wefdi ay hogaamineyso kuwaa oo socdaalkooda si weyn loo hadal hayo.

Raychelle Omamo, ayaana inta ay joogto magaalada Muqdisho waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doontaa dhigeeda Soomaaliya, Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Rooble iyo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Warbaahinta dalka Kenya oo soo xigtay masuuliyiin katirsan wasaarada arimaha dibadda Somalia ayaa ku warantay in wasiirka arimaha dibadda Kenya masuuliyiinta Soomaalida ay kala hadli doonto arimo dhoor ah ay kamid tahay muranka badda labada dal u dhaxeeya.

Qaban qaabada soo dhaweynta wefdiga ka socda dowlada Kenya ayaa saakay laga dareemayaa magaalada Muqdisho, waxaana warbaahinta isha ku heysaa kulamada ay yeeshaan labada dhinac iyo waxyaabaha kasoo bixi doona.

Warar horey usoo baxay ayaa sheegayay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya heshiisyo ku kala saxiixanayaan magaalada Muqdisho, hasa ahaatee waxaa warkaasi meesha ka saaraya amarkii kasoo baxay Farmaajo ee ahaa in Xukuumada aysan heshiis geli karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Masuul uu dhowaan Magacaabay RW Xamse oo xilka la wareegay

Caydiid Ali

Ogow Sababaha keenay in la baajiyo kulankii maanta yeelan lahaayeen Golaha shacabka

Cabdi Cade

Sacuudiga & Imaaraadka oo ka qeyliyey go’aan ka soo baxay dowlada Qatar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---