Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka sare ee Baarlamanka Somalia Senator Abshir Bukhaari ayaa qarka u saaran inuu waayo kursigaas ka dib markii Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor uu isbedel ku sameeyey kuraasta beesha Cadaado ku leedahay labada aqal ee Baarlamanka dalka.
Qoorqoor ayaa la sheegay inuu qaatay go’aan ah inuu wareegto ka dhigo kursiga beeshiisa ee aqalka sare, waxaana kursiga golaha shacabka ee tirsigiisu yahay HOP-248 loo wareejin doonaa Aqalka sare, iyadoo kursigan afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyey xildhibaan Abtidoon.
Waxaa dhinaca kale taas bedelkeed aqalka hoose loo celin doonaa kursigii aqalka sare ee uu ku fadhiyey Senator Abshir Bukhaari, iyadoo Qoorqoor uu mudooyinkan waday la tashiyo xooggan oo ku saabsan kursigan.
Warar laga helayo ilo kalsoon yahay ayaa sheegaya in shaqsiga ugu weyn ee kursiga Abshir Bukhaari loo sharaxayo uu yahay Saciid Siyaad Shirwac oo hadda ka tirsan golaha Wasiirada Maamulka Galmudug, horeyna uga soo shaqeeyey Dekeda Muqdisho.
Xildhibaankii ku fadhiyey kursiga HOP-248 Abtidoon oo haatan aan joogin Magaalada Dhuusamareeb ayaa laga soo xigtay inuu ka harayo doorashada haddii kursigaas loo wareejiyo aqalka sare.
Abshir Bukhaari ayaa la soo sheegayaa inuusan raali ka ahayn in Kursiga aqalka sare ee uu ku fadhiyey afartii sano ee tagtay loo bedelo aqalka hoose, hase ahaatee waxba kama qaban-karo go’aanka Madaxweyne Qoor-qoor oo la filayo inuu 48 saac gudahood ku dhawaaqo liiska xubnaha aqalka sare ku metelaya Galmudug.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com