Madaxweynaha xiligu ka dhamaaday ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay in Hay’adaha Dowladdu galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka xiliga doorashada
“Waxaa reeban, illaa doorashada kaddib, in Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna. Waxaa la joojiyay in heshiis ama is-afgarad ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro’ ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxday Farmaajo.
Talaabadan oo hadal heyn badan dhalisay ayaa ku soo beegantay xili la filayo in beri ay Magaalada Muqdisho booqasho ku timaado Wasiirka arrimaha dibeda dowlada Kenya.
Waxaa lagu wadaa iney wadahadalo la yeelato Raisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno kale oo ka tirsan DF, ayna la saxiixato heshiisyo lagu caadiyeynayo xiriirka labada dal oo mudooyinkan aan wanaagsaneyn, iyadoo wararka qaar sheegayaan in Rooble uu booqanayo Nairobi Talaadada soo socota.
Arrintan ayaa ku soo beegantay xili qoraal uu faafiyey wargayska Star ee ka soo baxa dalka Kenya in Wasiirka arrimaha dibadda Kenya ay Axadda Muqdisho u imaanayso wadahadalo la xiriira arrimaha muranka badda.
Farmaajo oo ka shakisan heshiiska Rooble la saxiixanayo Kenya ayaa la sheegay inuu caawa soo saaray wareegtadan si looga hortago heshiiska la hadal hayo.
Dadka falanqeeya siyaasada Somalia ayaa sheegaya in wareegtadan ay u muuqato mid lagu sumcad dilayo RW Rooble oo loo ekeysiinayo inuu Kenya la galayo heshiis la xiriira muranka Badda, iyadoo dhinaca kale la muujinayo in Farmaajo uu difaacayo qaranimada dhuleed ee Somalia.
Dhinaca kale, Dadka qaar ayaa rumeysan feker kale oo ah in wareegtada Madaxweynaha looga hortagayo Rooble uu la galo Kenya heshiisyo ay ku jiraan kuwo ganacsi oo loogu fasaxayo iney dib u bilowdo ganacsigii Qaadka ee Somalia.
Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal soo saaray ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu u gefayo Rooble, isagoo wareegtada caawa ku sifeeyey mid ka dhan ah raisul wasaaraha.
“Farmaajo ciyaalkiisii CBB-da ayuu shalay u soo dhiibay hadalo aflagaado iyo ku been abuurasho isugu jira oo Ra’iisul Wasaare Rooble loogu gafayo. Caawana inta iscelin waayay ayuu isagii qaylodhaan soo bilaabay. Duqa haloo sheego qaylo dhaantiisa iyo dacaayada uu faafinayo ee boor isku qariska ah in aysan waxaba u dhibi karin safarka beri ay ku imaanayso magaalada Muqdisho Wasiirada Arimaha Dibeda Kenya, safarkaas oo qayb ka ah dadaalada Ra’iisul Wasaare Rooble wado ee lagu hagaajinayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal. Isaguna caawa siyaasada dalka uu marti uga yahay Ra’iisul Wasaare Rooble” ayuu yiri xildibaan Mahad Salaad.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com