Waxaa goordhaw teendhada Afisiyooni ee kutaala xeendaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhacay doorasho hal dhinac ah oo lagu dooranayay Gudoonka Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi.
Doorashadan ka dhacday teendhada Afisiyooni ayaa waxaa ka maqnaa guddiga doorashooyinka Garabka taabacsan Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana goobta doorashada kaliya ku sugnaa guddiga taabacsan Mahdi Guuleed .
Guddiga doorashada Xubnaha taabacsan Mahdi Guuleed iyo xubnaha uu soo magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble ayaana halkaasi ku doortay Gudoomiye iyaga oo goobta doorashada ka maqan yihiin xubnaha kale ee guddiga.
Guddoomiyaha Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa mar kale loo doortay Khadar Xariir Xuseen ,ninkan la doortay ayaana horey uga mid ahaa xubnihii mucaaradka cabashada ka gudbiyeen ee katirsanaa shaqaalaha Dowlada.
Doorashadan goordhaw ka dhacday teendhada Afisiyooni ayaana waxba ka badaleyn khilaafkii ka dhax jiray guddiga doorashada gobolada Waqooyi, waxaana la filayaa in garabka doorashada ka maqnaa iyana go’aan kale soo saaraan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com