Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Sudan oo ka codsatay dhigeeda Ethiopia Koronto Iib ah

Shirkadda Xoogga Korontada Ethiopia ee The Ethiopian Electric Power (EEP) waxay shalay shaacisay inay Sudan ka codsatay in laga iibiyo Quwad Koronto oo halbeegeedu dhan yahay 1,000 Megawatts.
 
Sarkaalka Fulinta ee Shirkadda EEP, Andualem Sia oo la hadlay Wakaalladda Wararka Ethiopia ee ENA ayaa sheegay inay Khubaro ka socotay Shirkadda EEP bishii hore booqasho ku tageen Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum, iyagoo Khubarada dhigooda ee dalkaasi kala xaajooday Baahida Koronto ee ay Sudanu baahan tahay.
 
Waxa uu intaasi ku daray in la filayo Khubaro Sudanese ah inay dhawaan booqasho ku tagaan Addis Abeba, si loo sii ambaqaado Wada-hadalka ku aadan Qorshaha Koronto-siinta Sudan.
Andualem Sia waxa kale oo uu tilmaamay inay jiraan dalal kale oo Afrikaan ah oo danaynaya Qandaraaska ay ku iibsan doonaan Quwada Korontada Ethiopia.
 
Waxa uu carabka ku dhuftay in Jabuuti, South Sudan iyo Kenya ay muujiyeen Rabitaankooda Korontada Ethiopia, isla markaana ay Wada-xaajoodyo u socdaan, halka ay Kenya ka wada shaqeynayaan dhismaha Transmission awoodi karo qulqulka Koronto awoodeedu dhan tahay 2,000 oo Megawatts oo koronto gaarsiin doona Tanznia ilaa South Africa.
 
Sidoo kale, Xubno ka socda Baralamaanka Kenya ayaa la filayaa inay isbuuca soo socda booqdaan Ethiopia si looga xaajoodo Dhismaha Layn Transmiision 50 Kiilowaat oo haatan heer gebagebo ah maraya.
 
Khubaro ka socda Shirkadda Korontada Ethiopua ee EEP ayaa la sheegay inay booqan doonaan Caasimadda dalka South Sudan ee Jubba, si daraasaad loogu sameeyo Laynka qulqulka Korontada ee isku xiraya Ethiopia iyo South Sudan.
 
Si kastaba ha ahaatee, Quwadda Korontada ee laga dhalinayo Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD ayaa la sheegay inay ka faa’idi doonaan dalalka Afrika, inkastoo ay Malaayiin Ethiopian ah xilligan haysanin Adeegga Korontada ee la qorsheynayo in dalalka deriska loo iib-geeyo.
W/T Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaas oo rajo xumo ka muujiyey in sanadka 2021 ay dalka ka dhacdo doorasho

Caydiid Ali

Meydka Wiil 6-sano jir ah oo Qoykiisa ka maqnaa oo Muqdisho lagu arkay

Cabdi Cade

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyey dalka ee COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---