Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Cali Dheere iyo Sargaal kale oo katirsan Al Shabaab oo lagu daray Liiska Argagaxisada

Dowlada Mareykanka ayaa liiska kooxaha argagaxisada ah ku dartay Labo sargaal oo katirsan kooxda Al Shabaab ,kuwaa oo hada kadib kamid noqonaya xubnaha sida weyn u baadi goobayaan dowlada Mareykanka ee ku jira liiska argagaxisada caalamiga .

Qoraal kasoo baxay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu shaaciyay shan xubnood oo Afrikan ah oo lagu daray liiska argagaxisada , waxaana xubnahaasi ku jira Sheekh Cali Dheere Cabdulqaadir Maxamed Cabdiqaadir (Cikrama).

“Waxaan ku dhawaaqayaa magacaabista shan hoggaamiye argagixiso ee Afrika, kuwaas oo kala ah Bonomade Machude Omar, hoggaamiyaha waaxda arrimaha dibada iyo militariga ee ISIS-ta Mozambique, Sidan ag Hitta, hoggaamiyaha maleeshiyada Jama’at Nasr al-Islam wal Muslimin (JNIM) ee dalka Mali, Salem ould Breihmatt, oo ah khabiir ku takhasusay qaraxyada, ahna hoggaamiye sare oo ka tirsan JINM qeybta Burkino Faso, Ali Mohamed Raage, iyo Abdikadir Mohamed Abdikadir in loo aqoonsaday inay yihiin Argagixisada Caalamiga ah ee Gaarka ah” ayaa lagu yiri Bayaanka kasoo baxay Blinken.

Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Dheere oo kamid ah saraakiisha ugu sar sareysa kooxda , mana ku jirin sanado badan liiska argagaxisada waxa ay ugu yeerto dowlada Mareykanka, iyadoona horey liiskaasi loogu daray xubno kale oo kooxdaasi katirsan.

Bayaankan kasoo baxay dowlada Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili diyaaradaha dagaalka Mareykanka dib u bilaabeen duqeymaha dhinaca cirka ee la beegasanayaan Al Shbaaab, waxa ayna maalmihi lasoo dhaafay duqeyn ka wadeen gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyadii ruxay Muqdisho iyo Masuuliyiin waxyeelo kasoo gaartay

Cabdi Cade

CC Warsame ” Ma fileyn Nin igu soo weeraray Gurigeyga in uu qiro kaalintii aan guusha dacwadda kulahaa”

Cabdi Cade

Dowlada oo Dhagxaan Shub ah ku xirtay Isgooska Dabka ee Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade