Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo maanta shahaado sharaf bixiyay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta xarunta madaxtooyada kusoo dhaweeyay ardaydii Galmudug ee kaalmaha 1-aad, 9-aad iyo 10-aad ka galay imtixaanka guud ee dugsiyada sare ee dalka ee sanad dugsiyeedka 2020 2021.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey ardayda dadaalka ay muujiyeen iyo guusha ay ka gaareen halgankoodii waxbarasho oo ay soo wadeen muddo dheer. Madaxweynuhu wuxuu shahaado sharafeed gudoonsiiyey Cawaale Axmed Awcali oo ah ardaygii kaalinta 1-aad ka galay imtixaankii dugsiyada sare ee dalka, Maxamed C/naasir Saciid, iyo Maxaad C/risaaq Maxamuud oo iyana galay kaalmaha 9aad iyo 10aad.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Dowladda Galmudug ayaa wasaaradda waxbarashada ku ammaanay ka dadaalka ay ka geysteen sare u qaadida aqoonta iyo tayeynta waxbarashada.

Related posts

Tirada dadka Mareykanka ah ee lagu dilay weerarkii Xamaas oo sii kordhay

Caydiid Ali

Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (Sawirro)

Cabdi Cade

Fiqi oo Muqdisho ku soo dhoweeyey dhigiisa Thabit Kombo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---