Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maamulka gobolka Banaadir oo ka shiray dhibaato ku soo korortay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudanr Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Gudoomiyay shirka Degmoyinka Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galeen Saraakiisha Amniga gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale

Qodobada kualankan looga hadlay waxaa ka mid ah Daradr galinta Amniga iyo Xaaladaha ka dhashay Roobabkii ka da’ay Magaalada Muqdisho iyo sida loo Maareyn lahaa jidadka xiran ee ay biyuhu jareen.

Maamulka hadda jira ee gobolka Banaadir ayaa lagu dhaliilay iney ka gaabiyeen wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhashay roobabka todobaadyadii la soo dhaafay ka da’ayey magaalada.

Inta badan waxaa jidadka magaalada ee muhiimka ah yaalla wasaq iyo dhiiqo fara badan oo ka dhalatay roobabka, waxaana wadooyinka qaar u dheer burbur xoogan, iyadoo ay ka qodmeen boholo waaweyn oo biyuhu fadhiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askar kasoo carartay furimo dagaal oo maxkamad lasoo taagayo

Cabdi Cade

Maxey ka dhigantahay in Musharax Khayre ololihiisa Doorashada ka bilaabbo Jabuuti?

Cabdi Cade

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la qabtay & duqa Muqdisho oo ka waramay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---