Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamanka Galmudug oo furmay, laguna ansixiyey..

Kalfadhiga 3-aad ee golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta oo khamiis ah ka furmay magaalada Dhuusamareeb

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaay,

  1. Furitaanka Kalfadhiga 3aad.
  2. Ansixinta Jadwal-Hawleedka Kalfadhiga 3aad.
  3. Soo Bandhigida Jadwalka doorashada Aqalka Sare ee BJFS.

Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal oo shir guddoominayey fadhigii maanta ayaa si rasmi ah u furay kulanka waxaana uu Xildhibaanada u sharraxay hawlaha Baarlamaanka iyo qorshayaasha u hirgalay iyo kuwa hadda ay doonayaan in la gorfeeyo.

Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay oo uu carabka ku adkeeyey in Baarlamaanka Galmudug looga fadhiyo soo Doorashada Xildhibaanada Galmudug ku matalaya Baarlamaanka Aqalka sare ee Soomaalia

Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ansixiyay Guddiga Doorashada aqalka sare ee uu soo magacaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal

Dhanka kale kulankii maanta ee Golaha Baarlamaanka ayaa xubin xildhibaanimo loogu dhaariyay Xildhibaan Mahad Xassan Shiikh Yuusuf.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saddex Wiil oo Soomaali ah oo lagu dilay goob ay ka socotay Xaflad aroos

Cabdi Cade

Dagaalo qaraar oo ka dhex qarxay Ciidamada Eritrea iyo kuwa Jabhada TPLF

Caydiid Ali

Daawo:-Ma runbaa in mooshin ka dhan ah madaxwewne Farmaajo la diyaarinayo & Cumar Finish oo xilka …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---