Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoomiye Cumar Filish oo xariga ka jaray xarun cusub oo loogu talo galay.. (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka MCH Degmada Dharkeenley.

Munaasabadaan Xarig jarka ayaa waxaa kasoo qeyb galay safiirka dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Degmada Dharkeenley.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in xaruntaan ay ka faaideysan doonaan Bulshada ku dhaqan Degmada Dharkeenley, iyadoona ay qeyb ka tahay Mashruucaan fulinta Adeegyada Aasaaska u ah Shacabka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Muxuu yahay dhismaha cusub ee uu xarigga ka jaray Madaxweyne Qoorqoor? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay in howlagl wali socda lagu dilay in ka badan 60-katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Xaalada Laascaanood oo caawa ka dartay iyo rasaas xooggan oo laga maqlayo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---