Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoomiye Cabdi Xaashi oo qaadacay doorashada gudoonka Guddiga Somaliand

Guddoomiyaha aqalka sare ee Somalia Cabdi Xaashi ayaa qaadacay doorashada guddoonka guddiga doorashooyinka xubnaha gobolada woqooyi ee la shaaciyey in la qabanayo maalinta Sabtida.

“Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ee doorashooyinka, waxgaradka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) waxay halkan ugu caddeynayaan inuusan jirin wax heshiis is-afgarad ah oo laga gaaray kulamadii aanu la yeellanay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubno golahiisa Wasiiradda ah oo uu ku jiray Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee uu hogaaniyo Cabdi Xaashi.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal ayaa sheegay in doorashada guddoonka guddiga Somaliland la qaban doono maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 7-da bisha Agoosto ee 2021-ka.

Khilaafka u dhexeeya siyaasiyiinta Somaliland ugu jira DF ayaa marar badan soo laalaabtay, iyadoo madaxda dowlada oo uu ugu horeeyo Raisul Wasaaraha ay qaati ka joogaan xal u helisa murankan oo ku qotoma cida yeelaneyda awooda guddiga doorashada xubnaha gobolada woqooyi.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA CABDI XAASHI

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Aas Hargeysa loogu sameeyay Sh. Aadan Siiro & Muuse Biixi oo ka qeyb galay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Qoorqoor iyo guddiga doorashada heer federaal?

Caydiid Ali

Ajaaniib dooneysay in ay ku biiraan kooxda Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---