Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cabdixakiim Luqmaan Xaaji ayaa ku dhawaaqay guddiga qabashada doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Hirshabelle.
Guddiga ayaa ka kooban 15 xubnood oo ay ku jirto haweeney, waxaana guddoomiye looga dhigay Feysal Axmed-weli Xasan halka guddoomiye ku xigeena laga dhigay Max’uud Axmed Gacal.
“Waxaan u Mahad celinayaa Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Dr. Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Mohamed oo Maanta magacaabay Guddiga Baarlamanka ee Qabashada Doorashada Aqalka Sare, guddiga La magacaabay waxaan u rajeynayaa in eebbe u fududeeyo howlaha shaqo ee horyaala” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo dhinaciisa aan weli soo magacaabin musharaxiinta aqalka sare.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com