Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wadahadleen Rooble & Madax goboleedyada oo caawa kulan yeeshay?

Kulan fogaan arag ah oo ay caawa yeesheen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka  uuna shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga wadahadlay dardargalinta howlaha doorashooyinka Dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha uga warbixiyay  halka ay mareyso xallinta khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Woqooyi ee Soomaaliland.

“Golaha ayaa si buuxda u taageeray dadaalada  Ra’iisul Wasaaraha ee lagu dhammeystirayo dhismaha Guddoonka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Soomaaliland oo Maanta uu Ra’iisul Wasaaruhu ku wargaliyay Xubnaha Gudigaas in ay si deg deg ah isaga dhex doortaan hoggaankooda” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska RW Rooble.

RW Rooble ayaa qaati ka taagan khilaafka soo laalaabtay ee hareeyey xubnaha gobolada woqooyi ugu jira DF, iyadoo dhinaca kale madaxda Dowlad goboleedyada ay ku kala qeybsan yihiin qaabka loo wajahayo khilaafkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo Macasalaameyey Aqalka ee cad ee looga arrimiyo Maraykanka (Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland: Gaadiid hub ka keenay Itoobiya oo la weeraray

Caydiid Ali

Uhuru Kenyatta oo Sabab u noqday in UU dib u dhaco Wadahadalada Dowladda Itoobiya iyo TPLF

Cabdi Cade
Taboola Ads ---