Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka gobolka Banaadir oo soo saaray amar lagu yareynayo ciriiriga jidadka

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa awaamiir culus kasoo saaray Gawaarida Xamuulka ee Isticmaala dekadda Magaalada Muqdisho si loo yareeyo saxmada iyo ciriiriga ka jira caasimada.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xassan oo ayaa faray milkiilayaasha Gaadiidka xamuulka ee ka howlgalla dekadda Muqdisho in Gaadiidkooda kasoo bixi karaan dekadda laga bilaabo saacadda 10:00 Habeenimo ilaa 4:00 Habeenimo, iyadoo la mamnuucay maalintii iney soo baxaan

Sidoo kale waxaa la mamnuucaay Gaadiidka Dekadda kasoo qaada Rarka dheeraadka ah, kaas oo mararka qaar ku rogmada wadooyinka magaalada Muqdisho, isla markaana dhibaato ay ka dhalato.

Saalax Dheere ayaa sheegay in la amrayo Ciidamada ku sugan Isgoysyada Taleex, Tarabuunka  & Mariinada ee Magaalada Muqdisho ay soo deyn karaan kaliya Gaadiidka xamuulka ee sida tooska ah u galaya dekadda ee aan baakinka ama fariisinka ka dhiganeyn wadooyinka u dhow dekadda.

“Dhamaan Gaadiidleyda xamuulka qaada ee ka Shaqeeya dekadda & saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa la faray inay dhaqan geliyaan amarka kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir sida uu yahayna loo fuliyo” ayuu yiri afhayeenka.

Amarkan uu soo saaray Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku soo aadayaa xilli wadooyinka Muqdisho xiliga maalintii laga dareemo ciriiri iyo jaam xoogan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askar katirsan Ciidamada Ilaalada Madaxweyne Deni oo Dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray…

Cabdi Cade

Daawo: Axmad Madoobe oo fariin adag u diray Villa Somalia, kana digay arrimo halis ah

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Deni oo arrimo uu damacsan yahay kala hadlay Ms. Kiki Gbeho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---