Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kiisaskii ugu badnaa COVID-19 oo 24 saac gudahood laga diiwaan geliyey Somalia

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 97 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 9 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 40 ruux.

Tiradan ayaa noqoneysa tii ugu badneyd ee laga diiwaan geliyo dalka muddo dhowr bilood ah.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Puntland (49) gobalka Banaadir (44), Koonfur Galbeed (3) iyo Galmudug (1) qof ah, 49 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 48-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 15,594, waxaa bogsootay 7,633 Ruux. guud ahaan 828 ruux oo kale ayaa u geeriyootay cudurka.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh “Dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab culimada ayaa..(Sawiro)

admin

Jawaari oo ka fekeraya in uu is casilo iyo Tirada Xildhibaanada kasoo horjeeda oo korortay (Akhriso Tirada)

Cabdi Cade

Booliiska dalka Kenya oo baadigoob ugu jira nin iska dhigi jiray wax uusan aheyn !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---