Allbanaadir.com
NEWS

Shir Xasaasi ah oo looga arinsanayo Khilaaf taagan oo hada ka socda Xafiiska Rooble

Waxaa xiligan xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka socda shir u dhaxeeya Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa xalay shir deg deg ah isugu yeeray guddiga farsamada Gobolada Waqooyi si uu ugala hadlo khilaafka xoogan ee u dhaxeeya guddigaasi oo xubnaha ku jira kala taabacsan yihiin Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Sida aan wararka ku helnay Ra’isul Wasaare ayaa guddigan kala hadlaya sidii loo soo afjari lahaa khilaafka ka dhax aloosan ee u qeybiyay labo garab iyo sidii xal ay labada dhinac raali ka yihiin loo gaari lahaa.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo shalay sidoo kale la kulmay Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka ay kala taabacsan yihiin labada garab ee guddiga is khilaafsan ayaa doonaya in xal laga gaaro khilaafka sida doorashada u bilaabato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal sare oo katirsanaa Ciidanka Nabad Sugida oo goordhaw lagu dilay Muqdisho

Cabdi Cade

Guddoomiye Ciise Guure oo kala hadlay Bradley David Mashaariic laga fulinayo Dayniile iyo Degmooyin kale (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Biden oo ka fiirsanaya sida laga yeelayo dalab ka yimid DFS

Caydiid Ali
Taboola Ads ---