Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wakiilada Somaliland oo doortay Gudoon iyo Kulmiye oo laga guuleestay

Xildhibaanada golaha wakiilada maamulka Somaliland ayaa goordhaw doortay Gudoomiyaha Golahaasi, kadib doorasho adag oo dhax martay labo Musharax oo kala matalayay Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Xisbiyada isbaheestay ee Wadani iyo UCID.

Doorashada oo markii hore muran hareesay ayaa markii dambe lagu guuleestay in xaalada la dejiyo, waxaana golaha Wakiilada isku raaceen in shir gudoon KMG ah u noqdo inta doorashada socoto Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland waxaa ku tartamayay xildhibaan Yaasiin Maxamuud Faratoon oo ka socday Xisbiga Kulmiye iyo Xildhibaan  Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isna matalayay Xisbiga Wadani.

Doorashada waxaa ku guuleestay  Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo helay 42-cod halka musharaxa Yaasiin Faratoon isna helay 39-cod, waxaana sidaas Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ugu guuleestay Musharaxii Mucaaradka matalayay ee Khaliif.

Dhinaca kale Xildhibaanada golaha Wakiilada Somaliland ayaa gudoomiye kuxigeenka golaha Wakiilada Somaliland u doortay Musharax Xildhibaan Siciid Mire Faarax oo helay 41 cod halka Musharax Cumar Jaamac Faarax isna helay 40-cod sidaasna looga guuleestay.

Ugu Dmabeyn Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Wakiilada u dooortay Cali Xaamud Jibriil oo helay 43 cod  halka Cabdinaasir Yuusuf Qodax isna helay 38-cod.

Doorashada Gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa looga adkaaday Xisbiga Kulmiye , waxaana doorashada Gudoonka ku guuleestay labada Xisbi isbaheestay ee Wadani iyo Kulmiye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Israel oo weli sii wada duqeymaha Gaza & & dad hor leh oo lagu xasuuqay

Caydiid Ali

Amaro adag oo lagu soo rogay Hay’addaha ka Howlgala magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Deni oo kormeer kedis ah ku tagay xarumo ku yaalla Garoowe (Muxuu ku soo arkay)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---