Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Puntland oo War kulul ka soo saartay Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland waxa ay beeninaysaa muuqaal lagu baahiyay Social Media in uusan ahayn mid sax oo ku aadan Ciidamada Dowladda Puntland.

Muuqaalka oo soconaya muddo kooban ayaa muujinaya haweeney ilmo yar sidata oo weerar ku soo qaaday seygeeda oo ka tirsan ciidamada Puntland, iyadoo ku eedeyneysa inuu gaajo ku dilay, uusana dhowr bilood qaadan wax mushahar ah

“Xukumadda uu hoggaaminaayo Madaxwayne Siciid Cabdullaahi Deni  waxa ay ku guulaystay  dib uhabaynta Ciidamada iyo in ay helaan mushaharkooda bil walba” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada Maaliyada Puntland.

Sida lagu xusay qoraalka Wasiirka Maaliyadda Dowladda Mudane Xasan Shire Cabdi waxa uu dadaal dheeri ah ku bixiyay isaga oo kaashanaaya madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda in ay Ciidamada mushaharka iyo Garaamkooda helaan.

“Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo raad-raac ku sameeyey Muuqalka ayaa ogaaday in uu yahay muuqaal hore Saraakiisha ka dhex muuqdana ay yihiin hawlgab” ayaa sidoo kale lagu sheegay War-saxaafadeedka wasaarada Maaliyada Puntland.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA LA BEENIYEY

http://

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ahlu Sunna oo shaacisay liiska 20-ka Xildhibaan ee laga siiyay Galmudug (Magacyada iyo Qabiilada)

Cabdi Cade

Madaxda afar dowlad goboleed oo Muqdisho soo gaaray & Xog ku aadan ujeedka safarkooda

Caydiid Ali

Dowlada Mareykanka oo Ciidamo badan geenaysa Boqortooyada Sacuudiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---