Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Itoobiya oo jawaab kulul ka bixisay hadalo ka soo yeeray Jabhadda TPLF

Dowladda Itoobiya ayaa waalli ku tilmaantay dalabka fallaagada TPLF ee ka dagaalanta gobolka woqooyi ee Tigray.

Wasiirka arrimaha dimoqraadiyadda Itoobiya, Zadig Abraha, ayaa sheegay in TPLF ay ku riyooneyso awood siyaasadeed oo aan jirin, wuxuuna sheegay in gebi ahaanba fallaagadaasi laga saari doono tuulooyinka gobolkaasi marka sida uu sheegay dowladda dhexe uu ka dhammaado dulqaadka.

Zadig waxa uu beeniyay sheegashada fallaagada TPLF ee ah in la go’doomiyay gobolka Tigray, wuxuuna sheegay in mas’uuliyadda dowladda ay tahay xaqiijinta in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka gobolkaasi.

Waxa uu intaa ku daray in aysan jiri doonin wadahadal ay la galayaan TPLF oo uu ku tilmaamay koox argagixiso ah.

Fallaagada TPLF ayaa haatan gacanta ku hayso caasimadda gobolka Tigray ee Makelle iyo magaalooyin kale oo ku yaal gobolkaasi kaddib markii ciidamada dowladda ay halkaasi isaga bexeen.

Jen. Tsadkan Gebretensae oo ka mid ah Saraakiisha hogaamineysa ciidamada TPLF ayaa ku hanjabay inay sii wadayaan dagaalka ay kula jirana ciidamada dowlada Federaalka ayna sii wadayaan in dhulal hor leh qabsadaan.

Waxa uu sheegay sarkaalkan in aysan marnaba dagaalka joojin doonin ilaa xayiraadda saaran gobolka Tigrey  laga qaadayo iyo in dowladda federaalka ay aqbasho shuruudaha ku aadan xabad joojinta ay codsadeen.

Janaraal Tsadkan Gebretensae, ayaa sidoo kale xusay in aysan ka bixi doonin deegaanada ay ka qabsadeen maamulada Canfarta iyo Amxaarada inta ay ka gaarayaan hadafka ay u qabsadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe oo balanqaad culus u sameeyey bulshadda gobolka Hiiraan

Caydiid Ali

Hogaamiyaasha Maamul goboleedyada oo kasoo horjeestay Go’aan kasoo baxay Maxkamada sare (Akhriso)

admin

Isbar-bardhigga Soomaaliya iyo Dalalka ku Mideysan Bulshada Bariga Afrika ee Dhinaca Dhaqaalaha iyo Awoodda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---