Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Xoogga dalka & kuwa Galmudug oo qabsaday degaanka Camaara (Sawirro)

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Galmudug oo howlgallo wadajir ah ka wada koonfurta Gobolka Mudug ayaa galabta Al-shabaab kala wareegay degaanka Camaara.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa isaga baxay degaanka ka dib markii ay ka war heleen duulaanka ay soo qaadeen ciidamada iskaashanaya.

Saraakiisha howlgalka hogaamineysa ayaa markii ay gaareen Camaara waxaa ay goob fagaaro ah kula kulmeen dadweyne aad u fara badan, kuwaasoo ay ka dhageysteen xaaladooda nololeed.

Saaka ayey aheyd markii sidoo kale ay ciidamadu la wareegeen degaanka Qeycad oo muddo todobaadyo ah ay ka socdeen dagaalo culus oo ay qeyb qaateen dayuuradaha wax duqeeya ee Maraykanka.

Ciidamada ayaa guulo la taaban karo ka soo hooyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ka fuliyeen koonfur Gobolka Mudug,  kuwaasoo qorsheynaya inay u ruqaansadaan Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amaanka xarumaha Dowlada ee kuyaala Muqdisho oo la adkeeyay iyo Shaqaalaha oo …

Cabdi Cade

Wararkii u dambeeyey falkii lagu laayey saraakiisha Imaaraadka & Al shabaab oo sheegatay

Caydiid Ali

Qarax xooggan oo ka dhacay Xeebta Liido iyo Rasaas la maqlayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---