Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

(Sawirro) Degaan todobaadyo lagu dagaalamayey oo ugu dambeyn lagala wareegay Al-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Galmudug oo ay xagga cirka ka taageerayaan diyaaraddaha aan duuliyaha laheyn ee Maraykanka ayaa ugu dambeyn maanta galay tuulada Qaycad oo qiyaastii sideed km u jirta degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Ciidamada qabsaday Qaycad ayaa labaatankii maalmood ee la soo dhaafay dhawr duulaan oo ay qaadeen iska caabin xoog leh kala kulmayey ciidmada A-Shabaab oo dhufeysyo adag uga jiray degaankaas

Taliyaha ciidamada dhulka ee Soomaaliya Janaraal Maxamad Tahliil Biixi oo hogaamniyay duulaanka lagu galay Qaycad ayaa sheegay iney khasaare xooggan gaarsiiyeen Al-Shabaab isla markaana hub badan ka qabsadeen.

Wuxuu sheegay in tuulada horey looga qaxay oo aysan hal qof kula kulmin maadaama maalmihii lasoo dhaafay ay halkaas ka socdeen dagaalo culus.

Waxaa baraha bulshada lagu baahiyey sawiro muujinaya ciidamada huwanta oo dhex socda degaanka Qeycad, kuwaasoo ay la socdaan taliyeyaal iyo masuuliyiin ka tirsan Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo badan oo lasoo dhoobay Nairobi iyo Dibad baxyadii Mucaaradka oo bilowday

Cabdi Cade

Maxaa ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada oo goor dhow soo gebageboobay (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay xeerkii muddo kororsiga ee Golaha shacabku ansixiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---