Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cabdi Xaashi oo qoraal kama dambeys ah gacanta u geliyey RW Rooble (Akhriso)

Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa go’aankiisa kama danbaysta ah oo qoraal ah waxaa uu gacanta ka galiyay RW Maxamed Xusseen Rooble.

Arrintan ayaa ka danbaysay kulan saacado badan qaatay oo maanta mar kale Villa Somalia ku dhexmaray RW Rooble, Mahdi Guuleed iyo Cadi Xaashi kaasoo looga hadlayey xal u helida arrimaha muranka ka taagan doorashooyinka xubnaha gobolada waqooyi ee Somaliland.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa qoraalkiisa ku soo jeediyey qodobada kala ah:

1- In Guddoomiyaja Aqalka sare iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka ay noqdaan hoggaanka wadajirka ah ee haga doorashooyinka xildhibaannada Somaliland.

2- Dib u mideynta guddiga doorashooyinka xubnaha gobolada woqooyi.

3-In guddiga doorashooyinka xubnaha gobolada woqooyi ay iska dhex doortaan 8-da xubnood ee deegaan doorashada Somaliland ka imaanaya, haddii ay ismari waayaanna loo  sameeyo isla guddoon sida lagu heshiiyey 19-kii June 2020.

Sidoo kale guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo jeediyey in doorashada xildhibaannada Somaliland lagu qabto Hargarka garoonka ciidammada cirka, si loo gaaro amni la isku haleyn karo.

Qodobada ku qoran warqadda Cabdi Xaashi ayaa ah kuwo u muuqda mid aanay dhinaca kale ku qancaynin, sidoo kale waxaa garabka Cabdi Xaashi diideen codsi ka yimid RW Rooble oo ah in talada isaga lagu soo wareejiyo.

Kulankan ay lahaayeen maanta Ra’iisal Wasaare Rooble, Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa sida wararku sheegayaan ku dhamaaday natiijo la’aan, waxaana sii yaraaneysa rajada laga qabo xalinta khilaafkan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA CABDI XAASHI

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Madaxda dowlad goboleedyada oo ku dedaalaya iney hal arrin ka helaan Xukuumada cusub

Caydiid Ali

Dagaalkii Laascaanood oo xoogeystay & Isimada SSC oo war soo saaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Diyaarad ku bur burtay dalka Turkiga iyo khasaaro dhimasho oo ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---