Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSSOUTH WEST

Senataro uu ku jiro Wasiir ka tirsan Xukuumada Rooble oo lagu doortay Baydhabo

Doorashada shan ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalada Baydhabo.

Waxaa ku tartamay doorashadan illaa 10 musharax oo afar ka mid ah ay dumar ahaayeen, kuwaasoo uu soo magacaabay Madaxweyne Laftagareen.

Zam zam Ibraahim iyo Ayaan Abdullahi ayaaku guuleystay labadii kursi ee ugu horeeyey ee aqalka sare lagu doortay maanta magaalada Baydhabo

Kursiga 3-aad ee Aqalka Sare ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku guuleystay Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah Wasiir-dowlaha arrimaha gudaha ee xukuumadda Somalia.

Wasiiru-dowlahan ayaa si fudud kusoo baxay, isagoo helay codad ka badan 80, wuxuuna xiriir dhow la leeyahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida ilo xog ogaal ahi sheegayaan.

Sidoo kale Mohamud Mohamed Abdinur (Garabey) iyo Hussein Mohamed Dahir ayaa ku guuleystay kuraasta 4aad iyo 5aad ee xubnaha maanta lagu doortay baydhabo, kuwaasoo ka mid noqonaya aqalka sare ee Somalia afarta sano ee soo socota.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobya oo bilowday wejiga labaad ee koronto dhalinta biyo xireenka webiga Nile

Caydiid Ali

Madaale oo dhagax-dhigay dhismaha xafiiska mashruuca Nagaad

Cabdi Cade

Guddoonka Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo arrimo muhiim ah kala hadlay Kate Foster (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---