Allbanaadir.com
NEWS

Colaada u dhaxeysa Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya oo ku fiday dalka Jabuuti

Wararka ka imaanaya caasimada dalka Jabuuti ayaa sheegaya in colaada u dhaxeysa Soomaalida iyo Canafrta kunool dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Citi ay ku fiday gudaha dalka Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Saciid Nuux Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in rabshado sababay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ka dhaceen magaalada Djabuuti , mana sheegin wasiirka tirada rasmiga ah ee khasaaraha .

Waxa uu sheegay wasiirka in aan marnaba loo dulqaadan karin rabshadaha ka dhacay gudahaJabuuti, waxa uuna ciidamada amaanka faray in gacan bir ah ku qabtaan amaanka kana hortagaan rabshadaha.

Rabshadana u dhaxeeyay Soomaalida iyo Canfarta ayaa ka dhacay xaafado katirsan magaalada Jabuuti, ciidamada booliiska ayaana kahor taga rabshadahan u adeegsaday sunta dadka ilmada ka keenta iyo biyo.

Muuqaalo iyo Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa laga arkayay guryo iyo xarumo ganacsi oo la gubay, waxaana jirta cabsi laga qabo in mar kale isku dhacaan Soomaalida iyo Canfarta Jabuuti wada degan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne iyo Saddex Ra’isul Wasaare hore oo baaq kasoo saaray xaalada Koonfur Galbeed

Cabdi Cade

Nin Xaaskiisa kula taliyay in ay is disho oo xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

C/wali Gaas oo Wareegto ku magacaabay Guddoomiye cusub (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---