Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciidamada TPLF oo hanjabaad culus soo dirtay Shuruudna ku xirtay Xabad joojin

Ciidamada maamulka Tigrey ayaa wali wada dagaalo ay ku qabsanayaan dhul hor leh oo kuyaala gobolka Tigrey iyo sidoo kale gobolada dariska la ah ee Amxaarada iyop sidoo kale Canfarta.

Janaraal Tsadkan Gebretensae, oo kamid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamada TPLF ayaa ku hanjabay in ay sii wadayaan dagaalka ay kula jirana ciidamada dowlada Federaalka ayna sii wadayaan in dhulal hor leh qabsadaan.

Waxa uu sheegay sargaalkan in aysan marnaba dagaalka joojin doonin ilaa xayiraadda saaran gobolka Tigrey  laga qaadayo iyo in dowladda federaalka ay aqbasho shuruudaha ku aadan xabad joojinta ay codsadeen.

Janaraal Tsadkan Gebretensae, ayaa sidoo kale sheegay in aysan ka bixi doonin deegaanada ay ka qabsadeen maamulada Canfarta iyo Amxaarada inta ay ka gaarayaan hadafka ay u qabsadeen deegaanadaasi.

Kooxda TPLF ayaana ku hanjabtay in aysan marnaba joojin doonin dagaalka ka dhanka ah Xukuumada Adis Ababa, waxa ayna ku eedeeyeen ciidamada federaalka Itoobiya iyo kuwa Eritrea oo weli jooga deegaano katirsan Tigrey in dhibaato geesanayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo talisyo cusub soo kordhiyey iyo Saraakiil loo Magaacabay

Caydiid Ali

Ciidamada Danab iyo Kuwo Mareykan ah oo howlgal gaar ah ku dilay 35-dagaalyahan

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Adis Ababa kula kulmay António Guterres

Cabdi Cade
Taboola Ads ---