Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed
Rooble ayaa ka sugayay labada masul xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi.
“Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska raisul Wasaaraha.
“Waxaanu doonaynaa waa xal waxa aanu doonaynaa waa cadaalad iyo sinaan waxa aanu doonaynaa waa in isbedel iyo horusocod waxa aanu intaa ku doonaynaa waa xaqiinna sharciga iyo heshiis ku dhisan. Hadii intaa nalala garan waayo waxaan qabsanaynaa doorasho ka madax bannaan dulmiga iyo jawrka ay wadaan kooxda naf la caariga ah” ayuu yiri Gudoomiye Cabdi Xaashi oo kulankan ka dib qoraalkan soo dhigay bartiisa facebook
Khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobolada Woqooyi ayaa weli taagan iyadoo qeybo ka mid ah dalka ay ka bilowdeen doorashooyinka xubnaha aqalka sare ee baarlamanka Somalia.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com