Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo Goobjoog ka noqday Heshiis ku kacaya 7.4 Milyan Dollar (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday Heshiiska Dayactirka Wadooyinka Puntland oo ku kacaya $7.4 Million oo ay bixinayso Dowladda Puntland .

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasaaradda Maaliyadda oo bixinayso Lacagta iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gadiidka oo fulinaysa, waxaana u kala saxiixay labada Wasiir ee Wasaaradahaasi Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Mudane Axmed Bashiir Muuse iyadoo sidoo kale uu kulanka ka qeybgalay Wasiirka Qorsheynta Mudane Cabdiqafaar Xaange.

Wadooyinka la dayactirayo ayaa kala ah:

Juurile- Boosaaso
Qardho – Garoowe
Garoowe- Brita dheer
Garoowe-Falaryaale.

Qorshaha horumarinta kaabayasha dhaqaalaha wuxuu qeyb ka yahay siyaasada tayeynta iyo horumarinta Puntland, waxaana kharashka ku baxaya dhammaan dayactirka wadooyinka oo dhan $7.4 Million bixinaysa Dowladda Puntland .

Related posts

DF oo la wareegtay Gaadiid Gaashaaman & qalab Milateri (Sawirro)

Caydiid Ali

DF oo ciidan geysay degaan ay dhowaan weerartay Al shabaab

Caydiid Ali

Wasiirka Amniga oo si adag uga hadlay banaan baxii booliiska joojiyeen iyo waxyeelo loo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---