Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo Baaq deg deg ah kasoo saartay Xaaladadaha Bini’aadanimo ee Soomaaliya

War saxaafadeed kasoo baxay wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ayaa lagu muujiyay walaac aad u weyn oo ku aadan xaaladdaha Bini’aadanimo ee Soomaaliya kuwaas oo aad isku soo tarayay.

Wasaarada warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Xaaladda bani’aadanimo uga sii dartay masiibo laba-cimilo ah – abaaro ka dhacay qaybo ka mid ah dalka iyo daadad meelo kale – iyo saameynta xiisadaha siyaasadeed, COVID-19 iyo ayaxa oo sannado badan soo laalaabtay.

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka kasoo baxay Wasaarada Gargaarka 

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XJFS (MoHADM)  Xil.  Khadiija  Maxamed  Diiriye  waxa  ay  guddoomisay  kulan  deg  deg  ah  oo  u dhaxeeyay   Wasaaradda   Gargaarka   Federalka,   Wasaaraddaha   Dowlad-Goballeedyada   iyo Maamulka Gobalka Banaadir, kulankan waxaa lagu muujiyay walaac aad u weyn oo ku aadan xaaladdaha Bini’aadanimo ee Soomaaliya kuwaas oo aad isku soo tarayay.

Waxaan si aad ah uga walaacsanahay in 5.9 Milyan oo Soomaaali ah kala bar tiradda dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan xaaladdo adag, waxaa ka mid ah dadka nugul carruur, haween iyo rag waxa ay dadkaasi halis ugu jiraan inay waayaan adeegyada badbaadada u leh nolosha iyo ilaalinta ay aad-ka ugu baahan yihiin. Haddii aan tallaabo laga qaadin wax ka qabashada farqiga u dhaxeeyo maaligelinta iyo qiimaha waxa uu noqon karaa mid masiibo ah.

Xaaladda bani’aadanimada waxaa ka sii daray masiibo laba-cimilo ah – abaaro ka dhacay qaybo ka mid ah dalka iyo daadad meelo kale – iyo saameynta xiisadaha siyaasadeed, COVID-19 iyo ayaxa oo sannado badan soo laalaabtay.

Sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa bulshada caalamka iyo deeq bixiyaasha inay si deg deg ah  u helaan lacago dheeri ah  oo lagu  taageerayo howlgelinta  buuxda ee Qorshaha ka jawaab celinta arrimaha Bani’aadanimo ee Soomaaliya 2021, lana kordhiyo u doodista iyo in la hubiyo in Soomaaliya aysan noqon dhibaato la iloobay.

Waxaan  qireynaa  horumarka  baaxadda  leh  ee  laga  sameeyey  Soomaaliya  sanadihii  la  soo dhaafey iyo halista ka dhalan karta xilliyada cimilada ee waqtigaan la joogo guulaha la gaarey. Waxaan garwaaqsanahay saameynta gaarka ah ee naxdinta cimilada sida abaaraha iyo daadadka ay   ku   yeesheen   haweenka,   carruurta   iyo   dadka   naafada   ah.   Sidaa   darteed,   waxaan ballanqaadeynaa inaan sii wadno dadaallada lagu yareynayo dhibaatada ka dhalatay cimilada sida  daadadka  iyo  abaaraha  sida  qaar  ka  mid  ah  waxyaabaha  aan  mudnaanta  siinayno  islamarkaana aqoonsanno baahida degdegga ah ee loo qabo in la sameeyo waxa aan awoodno si loo badbaadiyo nolosha.

Waxaan ka    soo    qaadaneynaa    casharro    laga    soo    qaatay    sanadkii    2017    dadaalkii bani’aadanimada  ee  guuleystey  ee  baajiyey  macluusha,  waxaana  naga  go’an  inaan  qaadno dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah si aan ugu dhisno casharradan si aan ugu sii wanaajino jawaabteenna wadajirka ah

Baaxadda dhibaatooyinka   ka   imanaya   dhibaatooyinka   cimilada   ee   soo   noqnoqda   iyo saameynta ay ku leeyihiin malaayiin qof, iyo sidoo kale xasilloonida gobolka iyo koboca dhaqan- dhaqaale ee muddada-dheer, waxay u baahan tahay midnimo ujeedo iyo tallaabo ah. Xilligan la joogo midnimo qaran iyo mid caalami ahba, qof kastaa wuxuu gacan ka geysan karaa jawaabta.

Mas’uuliyadda ficilku   waxay   khuseysaa   dhammaan   jilayaasha:   Dowladda   Federaalka, Dowladaha   xubnaha   ka   ah   Federaalka,    Maamulka   Gobalka   Banaadir   odayaasha   iyo hoggaamiyeyaasha  maxalliga  ah,  bulshooyinka  caqiidada,  bulshada  rayidka  ah,  ganacsiga gaarka loo leeyahay, warbaahinta, qurba-joogta Soomaaliyeed, iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah, oo ay ku jiraan Midowga Afrika. , deeq bixiyaasha iyo wadamada deriska ah.

Waxaan adkeyneynaa, gaar ahaan, doorka NGO-yada caalamiga ah iyo kuwa Qaranka, iyo hay’addaha Qaramada Midoobay,  bixinta   gargaarka  naf-badbaadinta   iyo  taageerada  hab- nololeedka   dadka   u   baahan   mas’uuliyadda   warbaahinta   madaxa-bannaan   oo   ah   ilaaliye firfircoon, iyo bixinta warar joogto ah oo hufan oo ku saabsan dhibaatooyinka iyo jawaabta ay siiso  beesha  caalamka  iyo  Dowladda  Federaalka  Soomaaliya;  doorka  shirkadaha  gaarka  loo leeyahay  ay  ka  geysanayaan  taakuleynta  wacyigelinta  iyo  gaarsiinta  sahayda,  soo  celinta suuqyada wax ku oolka ah iyo gaarista kuwa ugu nugul iyo muhiimada ay leedahay Qurbajoogta Soomaaliyeed, oo aan ku boorinayno inay kordhiyaan xawaaladaha Soomaalida ayna taageeraan jawaabta gudaha iyo dibada labadaba.

Ugu dambeyntiina, waxaan ku heshiinnay in aan u doodno taageero dheeri ah oo ku saabsan maal-gashiga muddada-dheer ah si loo dhiso adkeysi u yeelashada isbeddelka cimilada, iyo in la jebiyo meertada dhibaatooyinka  soo  noqnoqda  ee  sababa  silica  badan  isla  markaana  wiiqda howlaha dowlad-dhisidda. Kaliya iyada oo loo marayo ficil deg deg ah, wadajir ah oo joogto ah ayaan  la  kulmi  doonnaa  caqabadda  degdegga  ah  ee  maanta  waxaanna  dhisi  doonnaa  jawi barwaaqo iyo nabadgelyo u leh jiilalka mustaqbalka ee Soomaaliya.

————————————————DHAMMAAD—————————————-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

QM oo laga dalbaday inay hakiso go’aanka Maxkmada ICJ ee dacwada badda Somalia & Kenya

Caydiid Ali

Duqeymo aargoosi ah oo loo geystay 10 Magaalo oo ka tirsan Ukarine (Sawirro)

Caydiid Ali

Imaaraadka oo si deg deg ah uga soo jawaabay Codsigii Ra’isul Wasaare Rooble (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---