Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wiil uu dhalay Hogaamiyihii dalka Liibiya Qadaafi oo doonaya in Madaxweyne noqddo

Wiil uu dhalay Hogaamiyihii hore ee dalka Liibiya Mucammar Al Qadaafi, ayaa doonaya in uu dib ugu soo laabto siyaasada dalka Liibiya si uu isugu soo sharaxo Madaxweynaha dalkaasi colaada la degtay.

Saif Islam Qadaafi oo 49 jir ah kana mid ahaa raga ugu saameynta badnaa siyaasada Liibiya xiligii aabihii talada Liibiya hayay ayaa mudo kadib shaaciyay hamigiisa ku aadan in uu qabto talada dalka Liibiya.

Wareysi uu Saif Islam siiyay Wargeyska New Yourk Times ayuu ku sheegay in uu damacsan yahay in uu dib ugu soo laabto siyaasada dalka Liibiya,waxa uuna xusay in uu doonayo in isbadal kusoo dabaalo dalka Liibiya oo hada xaalad xun galay.

Waxa uu sheegay Saif Islam Qadaafi in maamulka hadda ka jiro dalka Libya uusan wax horumar ah keenin isla markaana dhibaato u horseeday shacabka Libya 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

“Haatan waxaa la joogi xilliggii dalka dhibaateysan dib loogu laaban lahaa, dhaqaale ma lahan, nabadgelyadii faraha ayay ka baxday,nololna ma jirto” ayuu ku sheegay Wareysiga uu bixiyay Wiilka Qadaafi.

Saif Islam Qadaafi oo kamid ahaa wiilasha u dhalay Qadaafi kuwa ugu awooda badnaa ayaa gacanta u galay kooxdii dishay aabihiis lana wareegtay talada Liibiya, hasa ahaatee Saif ayaa lasii daayay 2017-dii, lamana oga waxii xiligaa ka dambeeyay halka uu ku nool yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil dhalinyaro ah oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Dhallinyaro Soomaali iyo kuwo kale oo lagu qabtay Ka-Ganacsiga Mukhaadaraadka

Cabdi Cade

Xil-Wareejinta Madaxweyne Farmaajo Ma Horseedi Kartaa Isbeddel Waxtar Leh?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---