Allbanaadir.com
NEWS

Musharaxiinta Xildhibaanimo iyo Ergada Dooraneysa oo baaris la marsiinayo

Waxaa dhawaan la filayaa in dowlad goboleedyada dalka ka bilowdaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka federaalka, waxaana Xildhibaanadaasi soo dooranaya Ergooyin beelaha iska soo dhax xulaan.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ahna Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa amar ku bixiyay in baaris la marsiiyo Musharaxiinta Xildhibaanimo iyo ergada dooraneysa.

“Qof kasta oo musharax ah & Qof kasta oo Ergooyinka wax dooranaya ah waxa aan soo jeedinayaa in la baaro oo la ogaado in ay dambi ka galeen umadda Soomaaliyeed waxaana u geyneenaa Ra’iisul Wasaaraha si uu ugu sii gudbiyo Golaha Wadatashiga qaran” ayuu yiri Jen Xijaar.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa dhinaca kale beeniyay in uu is hor istaag ku sameeyay Musharixiin u taagan kuraasta Xildhibaanimo oo warqadda dambi la’aanta ka doontay xarunta Baarista Dambiyada ee C.I.D.

Waxa uu sheegay taliyaha in been abuur tahay warkan laga faafiyay ayna jirin sabab uu is hortaag ugu sameeyo musharaxiinta, waxa uuna cadeeyay in aysan wali bilaaban qaadashada warqadaha cadeynta dambi la’aanta ee bixiso CID-da.

Talaabadan lagu doonayo in lagu baaro Musharaxiinta iyo ergada Xildhibaanada dooraneysa ayaa dowlada uga gon leedahay in looga hortago in kuraasta qaar kusoo baxaan xubno xiriir la leh kooxaha hubeesan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo soo saaray Amaro cusub oo la xariira..

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Madaxweynaha & Raisul Wasaaraha oo qaabilay wafdigii RW ku-xigeenka Turkiga

Caydiid Ali

Meydka nin ka lusha baalle Koronto oo saaka lagu arkay duleedka Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---