Allbanaadir.com
NEWS

Xaafada Woolwich ee Magaalada London oo si weyn looga dabaaldegay Ciidul Fitriga (Sawiro)

Shacabka Muslimiinta,Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku Nool Xaafadda Woolwich ee Magaalada London ayaa saaka si weyn ugu dabaaldegaya maalinta 1-aad ee munaasabada Ciidul Fidriga oo ku beegan maanta, iyadoo fantasiye balaadhan oo arintaas ku saabsan laga dareemayo Xafadaasi.

Muslimiin iskugu jira Rag, Dumar iyo Caruur, ayaa saaka markii uu waagu baryey u dareeray Barxad wayn oo ku taal Xaafadda Woolwich ee Magaalada London si ay ugu soo gutaan waajibaadka  salaada ciida Iyagoo isugu Hambalyaynaya Farxadda Cidda iyo Dhamaantii Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Wadooyinka, suuqyada iyo xaafadaha ay Soomaalida ka dagantahay Xaafaladda Woolwich ee London ayaa waxaa saaka lagu arkayaa caruur aad u fara badan oo qaarkood waalidiintooda ay daadihinayaan, kuwaasoo ku lebisan lebis qurxoon, iyadoo inta badan caruurta ay wataan waxyaabaha Toyska loo yaqaano ee caruurtu ay ku ciyaaraan.

Dhinaca kale masaajidka weyn ee Isla xaafadaa ku yaala Greenwhich Islamic Centre ayaa salaada ka dib soo abaabulay meelo caaruurtu ku ciyaarto si ay farxada maanta u qaataan aadna waxa looga kala yimid xaafadaha ku dhow dhow Woolwich.

      

 

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Eritrea oo la sheegay in Ciidankeeda kala baxday xadka ay la wadaagto Itoobiya

Cabdi Cade

Diyaarad Mareykanka leeyahay oo ku burburtay Sh/Hoose iyo Askar Soomaaliyeed oo dhimatay

Cabdi Cade

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Pakistan oo Muqdisho lagu soo celiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---