Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal goordhaw ka dhacay xaafad katirsan Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw Suuqa Balka ee xaafada Juungal ee degmada Yaqshiid ka dhacay dagaal khasaare geestay oo u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya .

Sida aan wararka ku helnay dagaalkan ayaa dhax maray ciidamada maamulka Yaqshiid iyo ciidamo kale oo booliis ah kuwaa isku qabsaday lacago canshuur ah oo laga qaado gaadiidka keena balka Suuqa degmada Juungal

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ciidamada is qab qabsi kadib ku dagaalameen gudaha Suuqa, waxaana dagaalkan la sheegay in ay ku dhinteen labo qof halka tiro kalana ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa markii dambe istaagay kadib markii qaar kamid ah ciidamadii dagaalamay goobta isaga tageen, waxaana dagaalkan saameyn ku yeeshay ganacsigii ka jiray suuqa lagu dagaalamay.

Magaalada Muqddisho waxaa mararka qaar ka dhaca dagaal dhax mara ciidamada dowlada kawada tirsan, dagaaladan ayaana inta badan waxa ay khasaaro kasoo gaaraan dad shacab ah oon waxba galabsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa Ku Kallifay Madaxweyne Farmaajo Inuu Ku Dhaco Dabinka Cadawga Dalka?

Cabdi Cade

Madaxweyne ku-xigeenka Sudan Riek Machar oo qaabilay danjiraha Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo magacaabay Wasiirka cusub ee Difaaca Somaliland kaddib is-casilaadii…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---