Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta ah daah furay tartanka kubada cagta kooxaha heerka koobaad ee Jubaland.
Munaasabada furitaanka tartankan ayaa lagu furay kooxaha Kubada cagta ee Dekedaha iyo koban iyadoo Madaxweynahu uu kamid ahaa masuuliyiin iyo dadweyne kala duwan oo ciyaartaas daawanayay.
Masuuliyiinta Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha, xiriirka kubada cagta Jubaland iyo xubno kasocday xiriirka kubada cagta Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qeybgalay munaasabadan.
Furitaanka tartankan ayaa kusoo aadaya xili maanta magaalada Kismaayo ka dhacay qarax lala eegtay gaari bas ah ay la socdeen koox Ciyaartoy oo ka dhisan Kismaayo kuwaa oo qaarkood dhinteen kuwa kalana ku dhaawacmeen.