Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo koox Ciyaartoy ah oo ku le’atay

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose, kaasoo haleelay gaari bas ah oo marayey Isgoyska golol sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Wararka ayaa sheegaya in baska la qarxiyey ay lahaayeen rugta ganacsiga Jubbaland, ayna la socdeen koox ku ciyaarta magaca rugta oo la yiraahdo JCCI.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga buska ah uu gebi ahaantiis gubtay ka dib markii ay la kacday miino wadada lagu aasay, iyadoo ciyaartoydii la socotay ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay.

Ciidamada amaanka Jubbaland ayaa goobtaas gaaray, kuwaasoo halkaas ka wada howlgalo, iyadoo gaadiidka ambalaaska ay daabulayaan dhaawacyada qaraxaas.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Labo Danjire (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dab xooggan oo caawa qabsaday xarunta dembi baarista Booliska Muqdisho ee CID

Caydiid Ali

Ruushka oo dal ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya ka caawinaya helida tamarta nukliyeerka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---