Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay saraakiisha ciidamada DF

Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay isku soo dhiibeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo xiriir la sameeyay saraakiisha ciidamada xoogga ee howl-gallada ka wada deegaanada Galmudug.

Saraakiishan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Nuur Bare iyo Mowliid Cumar faarax “Ciro”, iyagoo sheegay in ay ka tanaasuleen ka tirsanaanta Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada xoogga ayaa sheegay in labadaan sarkaal ay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen qaybta jabhaadka.

Gaashaanle sare Cabdulaahi Cabdi Raage oo ka tirsan saraakiisha NISA ee Galmudug iyo Gaashaanle Dhexe Cabdulqaadir Maxamed Cartan ” Gasaawe” oo qayb ka ah saraakiisha Qaybta 21-aad oo soo dhaweeyay xubnahan Alshabaab kasoo tagey ayaa sheegey in ragan ay xiriir lasoo sameeyeen saraakiisha ciidanka, sidaasna ay ugu suurta gashay inay isisoo dhiibaan.

Ciidamada xoogga iyo kuwa Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka waday deegaano hoostaga maamulka Galmudug, iyagoona la wareegay goobo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo meel mariyay Shan hindise Sharciyeed oo muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug oo la kulmay Saraakiil katirsan AMISOM (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlad Weyn oo Haweenka Muslimiinta ku qasbaysa in aysan ilmo dhalin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---