Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jen. Xijaar oo xilka ka qaaday taliye saldhig Boolis, Mid cusubna ku bedelay (Akhriso)

Taliyaha Ciidamada booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilkii saldhiga Booliska degmada Jowhar ka qaaday dhamme Maxamed Siyaad Cali Canjeex, isaga oo taliye cusub u Magacaabay saldhiga.

Wareegto kasoo baxday Xafiska Taliye Xijaar ayaa waxaa xilka Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeellle loogu magacaabay  Gaashaanle dhexe Bashiir Xasan Xalfooy iyadoo taliyahii hore saldhiga degmada jowhar loo bedelay taliska ururka booliska .

Taliyeyaasha hoggaanka Cidanka booliska degaannada Hir-Shabeelle ayaa waxaa la faray inay la socdaan xilka qaadista iyo magacaabista taliyeyaasha, isla markaana ay la Shaqeeyaan Taliyaha Cusab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Adolf Hitler oo ku guuleystay doorasho ka dhacday dal ka tirsan Afrika

Caydiid Ali

Rai’sul Wasaarahii hore ee Yuhuuda oo qaaday talaabo shaki badan abuurtay

Caydiid Ali

Gudoomiye u qubeeyey taalada X/taako & sharadkii Galmudug oo la furay (Daawo)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---