Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Axmed Madoobe oo qaabilay guddiyada doorashada iyo Xildhibaanadii la doortay

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa Aqalka martida casho sharaf ugu sameeyay Gudiyada hirgalinta Doorashooyinka ee kala duwan, gudoonka Baarlamaanka Jubbaland iyo Xildhibaanada Aqalka Sare ee maanta lagu doortay Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa dhamaan dhinacyadan uga mahad celiyay shaqadii wanaagsanayd ee ay qabteen maalmahii lasoo dhaafay isagoo ku booriyay in waxyaabaha dhiman iyo shaqooyinka loo baahan yahay inay sii laba jibaaran si arimaha Doorashooyinka ay ugu dhacaan qaab Wanaagsan.

Gudoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Faderaal mudane Maxamed Xasan Ciro ayaa ku amaanay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam dadaalka badan ee uu ku bixiyey sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada kuraasta Aqalka sare ee dalka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga hirgalin doorashooyinka heer Faderaal ayaa  bogaadiyey dadaalka ay doorashada ka sameeyeen Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland Guddiga Barlamaanka u qaabilsan doorashada iyo qaybaha kale duwan ee bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fiqi oo soo bandhigay hab cusub oo lagu casriyeynayo waxqabadka Wasaaradiisa

Caydiid Ali

Qaraxyo caawa ka dhacay Muqdisho & Laamaha amniga DF oo War ka soo saaray

Caydiid Ali

Golaha Wakiilada Puntland oo diyaariyay Mooshin xil ka qaadis ah (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---