Allbanaadir.com
NEWS

Sidee maanta looga ciiday magaalooyinka Garowe & Boosaaso ee degaanada Puntland? (Sawirro)

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka subax nimadii La tukaday salaadii ciidul fidriga shacabka ku dhaqan Magaalada Garoowe.

Salaada Ciida oo lagu tukadey garoonka kubada cagta Mire Awaare ayaa waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Madaxweyne kuxigeenka Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudomiyaha Baarlamaanka Mudane. Axmed Cali Xaashi iyo kuxigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland, saraakiisha ciidamada , saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, isimo, cuqaal, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon yahano, Culumo iyo shacabkaba.

Cabdi-wali Gaas oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa ugu horayn hambalyo u diray shacabka reer Puntland meelkastay joogaan munaasibada ciidul fidriga darteed, waxaana uu sheegay in Puntland ka jirto nabad gelyo sugan oo boqlkiiba boqol laysku halayn karo.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamede Cali Gaas ayaa Alle uga baryey Shacbka reer Puntland in ay sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan rajo wadajir, midnimo iyo amni waara.

Dhinaca kale, Magaalada Bosaoso oo ah xarunta ganacsiga Puntland ayaa si weyn looga dabaal degay munaasabadda ciidul fidriga oo maanta ku beegan.

Kadib markii saakay uu beryay waaga, isla markaana masaajidada hal mar laga wada bilaabay takbiirta ayaa waxaa wadooyinka waaweyn ee magaalada is qabsaday dadweyne farabadan oo aad u labisan, isla markaana wajiyadooda ka muuqatay farxad.

Maamulka gobalka, kan degmada, taliska qeybta booliska gobalka Bari, culimo’udiin, xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland iyo ganacsato ayaa dadweynaha kula tukaday garoonka kubadda cagta ee magaalada Bosaso.

Gudoomiyaha gobalka Bari Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo oo khudbad ka jeediyey salaadii ciida kadib ayaa sheegay in Muslimiinta guud ahaan ay u dirayaan hambalyada Ciida, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo yar iyo weynba amniga.

Duqa degmada Bosaso cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo isna ka hadlay xafladda dabaal dega ciidul fidriga ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Fiiro gaar ah: Saddexda sawir ee ugu horeysa Waa Garowe, Waxaana xiga sawirada Boosaaso

  

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo safar u aaday dalka Qatar lana kulmaya Tamim bin Hamad

Cabdi Cade

Shir Muhiim u ah Soomaaliya oo ka socda Xarunta Xalane (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo markii ugu horeysay ka hadashay khilaafka Jabuuti & Eritreya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---