Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Guddiga doorashada K/Galbeed oo dalab xasaasi ah u diray Laftagareen

Maanta oo ay tahay taariikhdu 29-July-2021, Guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleed Koonfur Galbeed ayaa warqad codsi ah u diray Madaxwaynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed  Laftagareen.

Guddiga ayaa ka dalbaday Madaxwaynaha dowlad goboleedka Koonfur soo gudbiyo liiska musharixiinta utartamaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah afar Maamul goboleed oo aan weli soo gudbin liiska Musharaxiinta u taagan Aqalka sare, iyadoo la soo dhaafay xiligii loo asteeyey in la bilaabo doorashada xubnaha Aqalka sare oo ku beegneyd 25-kii bishan.

Jubbaland ayaa booqday Maamul goboleedkii ugu horeeyey ee bilaabay doorashada xubnaha Aqalka sare, iyadoo maanta Kismaayo lagu doortay afarii Senator ee ugu horeysay.

HOOS KA AKHRISO

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabsi laga qabo doorashada Xubnaha Aqalka sare ee Jubbaland & Ikraan Tahliil oo..

Caydiid Ali

Wiilka uu dhalay Musaveni oo shaaciyey hadal dad badan ka yaabiyey

Caydiid Ali

Xeerbeegti ugu dambeyn go’aamisay in dacwad lagu soo oogo Donald Trump

Caydiid Ali
Taboola Ads ---