Ra’isul Waaaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula qaatay magalada London Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka Britain Dominic Raab.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, arimaha amniga, xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka Soomaaliya iyo la dagaalanka waxa loogu yeero aragagaxisada .
Ra’isul Wasaare Rooble ayaa Dowladda UK uga mahad celiyay taageeradeda Soomaaliya ay siiso oo leh dhinacyo kala duwan.
Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka Britain Dominic Raab ayaa dhankiisa ku amaanay RW Rooble iyo xukuumadiisa horumarka ka jira Somalia iyo dedaalka ay ugu jiraan hirgelinta doorashooyinka dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com