Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Senatarkii ugu horeeyay ee kamid noqonaya Aqalka sare oo goordhaw la doortay

Waxaa goordhaw Xildhibaanada dowlad goboleedka Jubbaland magaalada Kismaayo ku doorteen Senatarkii ugu horeeyay ee kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

Doorashada Aqalka sare ee ka bilaabatay magaalada Kismaayo  waxaa kursiga ugu horeeyay  ku tartamay labo musharax oo lagu kala magacaabo Ilyaas Badal Gaboose iyo Maxamed Axmed Sayid.

Doorashada goordhaw ka dhacday magaalada Kismaayo waxaa ku guuleestay Ilyaas Badal Gaboose oo helay codad gaaraya 55 cod halka Musharaxii la tartamayay Maxamed Axmed Sayid uu helay 17 cod waxaa halaabay hal cod kaliya.

Senatarkan goordhaw la doortay ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee la doorto doorashada Sanadkan , waxaa sidoo kale la filayaa in goordhaw sidoo kale Kismaayo lagu doorto Senataro kale oo kamid noqonaya Baarlamaanka federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin jabiyay Amarka guri Jooga ee Caronavirus looga hortagayo oo toogasho lagu dilay !!

Cabdi Cade

Qarax lagu weeraray ciidanka dowlada oo caawa ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Falanqeyn: Xubnaha xilalkooda loo daayey & Wejiyada ku cusub Golaha Wasiirada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---