Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Dalacsiiyay ku dhawaad 200 Sargaal (Akhriso Magacyada)

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay 174 -sargaal oo katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya.

Saraakiishan uu dalacsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in ay isugu jiraan kuwa qabiil ahaan loo dalacsiiyay, kuwa muteestay dalacsiinta iyo sidoo kale kuwa kale oo qeyb ka ah ololaha doorashada.

Sida aan xogta ku helnay saraakiishan la dalacsiiyay kuma jiraan kuwa badbaado Qaran ee kasoo horjeestay mudo kororsigii Madaxweyne Farmaajo, waxaana saraakiisha la dalacsiiyay yihiin kuwii sida weyn u taageersanaa Farmaajo.

Xiliyada doorashada marka la gaaro ayaa looga bartay Madaxda xilka ka dageysa in ay dalacsiiyaan saraakiil badan oo isugu jira kuwa ku heyb ah iyo kuwa kale oo qeyb ka noqonaya ololaha doorashada ay ku jiraan.

Halkan ka Akhriso Magacyada Saraakiisha la dakacsiiyay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Arimaga Dibadda Kenya oo wax laga weediinayo Khilaafka Somalia iyo Kenya

Cabdi Cade

Milateriga Israel oo maanta shacab hor leh ku xasuuqay degmada Rafax

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Bajaajley Banaan bax kahor dhigay xarunta CID-da iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---