Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Milatariga Soomaaliya oo saakay howgal ka dhan ah Al Shabaab fuliyay (Sawirro)

Ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27-aad ayaa saakay howlgal qorsheesan oo ka dhan ahaa dagaalyahanada Al Shabaab ka fuliyay deegaano kuyaala duleedka degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in saakay weerar qorsheesan ku qaadeen deegaanka Afcad ee hoostaga degmada Buulo-burte halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Ciidanka saakay weerarka ku qaaday duleedka degmada Buulo-burte waxaa hogaaminayay taliyaha qeybta27 Ganaral Axmed Maxamed Calasow (Taredisho), waxaana rasaas culus laga maqlay aaga ciidanka weerarka ku qaadeen.

Saraakiisha ciidanka ayaana guulo ka sheegtay howlgalkan saakay fuliyeen, waxa ayna xuseen in xubno katirsan dagaalyahanada Al Shabaab saakay ku dileen weerarka ay ku qaadeen duleedka Buulo-burte.

Milatariga Soomaaliya ayaa xoojiyay howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ay ka fulinayaan deegaanada ku xeeran degmada Buulo-burte oo sanado badan u go’doonsan dagaalyahanada Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo ka dalbaday Sacuudiga in ay shaaca ka qaadaan halka …

Cabdi Cade

Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay Gacan ku dhiigle baxsad ku jiray

Cabdi Cade

Masuul soo saaray Qoraal ka careesiiyay Madaxweyne Deni oo xilka laga qaaday (Wareegto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---