Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) RW Rooble oo London kulan shiray Mss. Alice Albright iyo xubno la socday

Ra’isul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble oo uu weheliyo Wasiirka Waxbarshada ayaa magaalada London kulan kula qaatay Alice Albright Maamulaha Guud ee  Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ee Waxbarashada.

labada dhinac ayaa ka wada hadlay horumarinta mashaariicda waxbarashada Soomaaliya iyo istiraatijiyadda taakuleynta waxbarashada Soomaaliya ee shanta sano ee socota.

Wasiirka Waxbarashada Somalia oo kulankaas ka dib warbaahinta ayaa sheegay in wadahadalkaas uu guul ku soo dhamaaday, la iskuna afgartay qodobadii la isku soo qaaday.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada London ee dalka Britain, halkaasoo uu uga qeyb galayo Shirka Caalamiga ah ee sara u qaadista tayada waxbarashada carruurta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Xowligii uu ku socday howlgalka ciidanka Ruushka ee Ukrine oo hoos u dhacay

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Shiinaha oo Kaalin Weyn ka qaadanaya Horu marinta Muqdisho 

Cabdi Cade

Somaliland oo soo saartay amaro cusub oo uu ka mid yahay in la xiro Masaajidada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---