Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Hirshabelle oo sabab yaab leh u hakisey Magacaabida guddiga doorashada Aqalka sare

Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle C/xakiim Luqmaan ayaa la sheegay inuu hakiyay Magacaabida Xubnaha Guddiga qabanaya doorashada Aqalka Sare ee maamulkaas.

Sababaha uu u hakiyay magacaabida guddiga ayaa la xiriirta Baasaboorka Diblomaasiga oo loo diiday Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle sida laga soo xigtay ilo ku dhow dhow Xafiiska Guddoomiyaha.

Puntland, Galmudug iyo Hirshabeele ayaan weli soo magacaabin xubnaha Guddiga qabanaya doorashada Aqalka Sare, halka Maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay shaaciyeen magacyada xubnaha gudiyadda doorashada aqalka sare.

Weli ma cadda sida looga gudbayo caqabada jirta iyo xiliga uu Guddoonka Baarlamanka Hirshabelle soo Magacaabayo xubnaha Guddiga qabanaya doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duleedka Magaalada Wajeer

Caydiid Ali

Maxaa ka soo baxay Wadahadalkii Xassan Shiikh & Abiy Ahmed?

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Tanzania oo seddex heshiis ku kala saxiixday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---