Dowlada Mareykanka ayaa shaacisay in Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 199 Malyan oo dollar, lacagtan ayaana loogu tala galay in wax looga qabto dadka ku barakacay gudaha dalka iyo kuwa qaxootiga ku ah qaar ka mid ah wadamada deriska la ah Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Wasaarada arimaha dibadda dowlada Mareykanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ugu deeqeen lacag dheeraad ah oo gaareysa 199-Milyan oo Dollar oo kaalmo bini’aadanimo ah .
Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in Dadka Soomaaliyeed sanadkan isku biirsadeen dhibaatooyin badan ay kamid yihiin qalalaaso iyo abaaro iyo fatahaado soo noq noqday, iyo saameynta ka dhalatay Cunto yari, Ayax iyo COVID-19 .
Deeqdan cusub ee dowlada Mareykanka ugu yaboohday Soomaaliya ayaa ka dhigeysa in guud ahaan sanadkaan 2021-ka ay dowladda Mareykanka ugu deeqday dadka Soomaaliya lacag ka badan $408 milyan oo doolar.
Lacagtan ayey dowlada Mareykanka sheegtay in lagu caawinayo lix milyan oo Soomaali ah oo hadda u baahan gar-gaar bani’aadannimo, dadkan ayaana isugu jira kuwa ku barakacay gudaha Soomaaliya iyo kuwa ku jira xeryaha qaxootiga ee dalalka Djibouti, Ethiopia iyo Kenya .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com